4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 21, 2020
Beesha Xawaadle oo Baledweyne ku yeelatay Kulan looga soo horjeedo dhismaha Hirshabelle
 

Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Kulan ballaaran oo ay maanta ku yeesheen magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Xawaadle ayaa si adag waxay uga soo horjeesteen dhismaha maamulka Hirshabelle.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Xawaadle ayaa si cad u diiday dhismaha cusub ee maamulka Hirshabelle waxayna dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ugu baaqeen in laga fiirsado dhismaha Hirshabelle oo markiisii hore lagu deg degay ineysan dhicin markale in lagu deg dego.

Kulanka Odayaasha iyo waxgaradka beesha Xawaadle ayaa markuu soo gabagaboobay waxa lagu iclaamiyay in maalinta berito ah magaaloyinka gobolka Hiiraan ay ka dhacaan banaanbaxyo nabadeed oo looga soo horjeedo hab dhismeedka cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Waxaa sidoo kale xalay iyo maanta banaanbaxyo looga soo horjeedo dhismaha maamulka Hirshabelle uu ka dhacay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dhismha Hirshabellada labaad ayaa u muuqda mid caqabad adag ku hor gudboon tahay marka loo eego diidmada iyo ku qanansanaan la'aanta beelaha dega Hirshaballe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]