5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 20, 2020
Puntland oo ka mamnuucday degaanadeeda in laga furto xarumaha Shifooyinka
 

Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Puntland ayaa mamnuucday in degaanadeeda laga furto xarumaha shifooyinka ee dadka lagu saaro qur’aaanka, kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay aad ugu soo badanayay guud ahaan Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta ee maamulka Puntland, ayaa lagu sheegay, in loo mamnuucay si loo saxo shaqooyinka ay qabtaan shifooyinka.

Wasaaradda cadaaladda waxay ku amartay laamaha amniga ciddii ku xad guduubta amarkaan in laga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu haatan Garowe ku sugan yahay wadaad dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Sheikh Rusheeye yare, kaasoo dhawaan Somaliland ka mamnuucday inuu tago Laascaano.

Wadaadkan, oo aad caan uga ah baraha bulshada ayaa iska leh shifo lagu magacaabo “Daarul towba” oo kutaala Muqdisho, wuxuuna Garowe u tagay  inuu ka sameeyo cillaaj, sidoo kalena qorsheyanayay inuu ka furto xarun cusub.

Qaar kamid ah culimada Garowe ayaa maalmihii ugu dambeeyay maamulka ka codsanayay in la joojiyo barnaamijka uu wadaadkan u yimid Puntland.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]