4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2020
Hay'adda badaha adduunka oo digniin ka bixisay in burcad badeeda Soomaalida abaabuli karaan weeraro afduubasho ah
 

Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Hay'adda badaha adduunka ayaa ku boorrisay maraakiibta shisheeye inay feejignaadaan markay marayaan badda Carbeed iyo Gacanka Cadmeed, si looga feejignaado weerarada burcad-badeeda.

Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha (IMB), ayaa warbixintiisii ugu dambeysay wuxuu ku sheegay in aysan jirin wax dhacdooyin burcad badeednimo ah oo la diiwaan-galiyay labadii sano ee la soo dhaafay.

“Wax dhacdooyin burcad-badeednimo ah lagama soo sheegin guud ahaan Soomaaliya tan iyo 2018-kii," ayay Hay'adda badahu ku sheegtay warbixinteedii saddexda bilood ee dhammaatay 30-kii Sebtember.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in burcad badeeda bishii Ogosto ay sii daayeen seddexdii lahayste ee ugu dambeysay oo lagu heystay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay tan iyo markii afduubka maraakiibta uu heerkii ugu sareeyay gaaray sanadkii 2011.

In kasta oo uu hoos u dhacay falalka afduubka, haddana hay'adda badaha adduunka waxay sheegtay in burcad-badeedda Soomaalida ay weli awood u leeyihiin inay qaadaan weerarro kale.

Dunida oo dhan, warbixintu waxay muujineysaa kor u kaca burcad badeedda iyo dhaca hubeysan ee badaha adduunka sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2020.

40 boqolkiiba ayay kordheen tirada afduubyada laga soo sheegayo Gacanka Guinea, marka la barbardhigo sanadkii hore ee 2019.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]