4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir oo eedeyn culus u jeediyay xukuumadda

 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL)- Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda u jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta Guddiyada Doorashada ee la soo magacaabay.

Wuxuu sheegay in Guddiyada dowladdu u saartay in ay ka shaqeeyaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka intooda badan yihiin taageerayaasha Baraha Bulshada ee Madaxweyne Farmaajo iyo xubno kale oo laga soo magacaabay sida uu hadalka u dhigay xafiiska  taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka  ee (NISA)

‘’Guddiyadan intooda badan waxaa laga soo xulay taageerayaasha baraha bulshada ee madaxweyne Farmaajo iyo xafiiska taliyaha Nabad-sugida, waxaa soo magacaabay agaasime ku-xigeenka madaxtooyada, waa nasiib darro in doorashada dalka iyo deegaan doorashadeyda intaba ay ka arimiyaan labo nin oo ilo adeer ah ayuu yiri ‘’ hogaamiyaha Xisbiga Wadajir .

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaantan magacaawday Guddiyada Doorashada iyo Xalinta khilaafaadka heer federaal, iyadoo horeyna maamul gobolleedyadu u soo gudbiyeen xubnihii ka midka noqon lahaa guddiyadan, taasoo ka dhiggay in wixii hadda ka danbeeya la guda-gali doono soo xulista Ergada iyo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Balse Hiiraan Online wax cadeymo ah uma heyso eedeyntan ka timid hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo horay dalka xilal uga soo qabtay dhinaca kalana ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya dhinaceeda wax jawaab ah kama aysan bixin waxa ka jira eedeyntan la xiriirta habka loo soo xulay Guddiyada Doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]