4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 6 , 2020
Uganda oo qeyb ka mid ah ciidamadeeda kala baxday Soomaaliya

 

Jimco, November, 05, 2020 (HOL)- Dowladda Uganda  ayaa kala baxday Soomaaliya qeyb ka mid ah ciidamadooda ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM.

Ciidamadan oo gaaray dalka Uganda ayaa tiradooda lagu sheegay 2,100,  iyadoo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay xalay xarunta Tababbarka Howlgallada Taageerada Nabadda (PSO-TC) ee degmada Nakaseke.

ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Difaaca Wilson Mbasu Mbadi ayaa soo dhaweeyay kaas oo ku hadlayay magaca abaanduulaha ciidamada difaaca, wuxuuna ku yiri: “Si sharaf leh ugu soo dhawaada dalkiina adinkoo nagu matalay qadiyadda Pan Africa ee Soomaaliya”

Uganda ayaa ciidankeeda soo galisay Soomaaliya sanadkii 2007, waxeyna ku soo aadeysaa arintaan xilli la qorsheynayo in ciidamada Midowga Afrika ee hawlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya la saaro sanadka 2021.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]