2/28/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2020
Hay'adda INTERSOS oo ku dhawaaqday inay 28 sano kadib xirayso howlgalkeedii Soomaaliya


 

Khamiis, November, 05, 2020 (HOL) - Hay’adda INTERSOS oo ah hay'ad ka shaqeysa arrimaha samafalka, ayaa maanta ku dhawaaqday inay xireyso howlgalkeedii Soomaaliya, ka dib 28 sano oo ay ka shaqeynaysay gudaha Soomaaliya.

Agaasimaha hay’adda INTERSOS, Kostas Moschochoritis, ayaa sheegay inay dood dheer kadib go’aan ku gaareen inay albaabada u laabaan howlahoodii Soomaaliya, isagoo sheegay in hay’addu iskaashi bani'aadamnimo iyo cilaaqaad dheer la lahayd dadka Soomaaliyeed.

Go'aanka lagu xirayo howlgalka INTERSOS ayaa daba socda kadib markii hay’addu muujisay walaaceeda ku saabsan nabadgelyada iyo amniga shaqaaalaheeda Soomaaliya iyo bulshada ay u adeegto

INTERSOS waxay sheegtay in ay weli si qoto dheer uga walaacsan tahay baahida dadka iyo bulshada ay u adeegayeen in ka badan 28 sano.

“Waxaan ku jirnaa wada hadalo ku saabsan in aan sii wadno wax qabadyadeena suurtagalka ah si loo yareeyo nusqaanta ku imaan karta adeegyada loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee nugul,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda.

INTERSOS oo Soomaaliya ka howlgashay sanadkii 1992, waxay si gaar ah sanado badan taageero isdaba-joog ah u siin jirtay isbitaalka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe iyadoo ka howl bilowday sanadkii 1994.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/5/2020 12:39 PM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)- Magaalada Muqdisho goor dhaw waxaa qarax lagula eegtay gaadiid uu la socday Wasiirka cusub ee Wasaarrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax.

11/5/2020 10:15 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa magaalada Jowhar uga dhawaaqay Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee Dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

11/5/2020 6:14 AM EST
Khamiis, Novmeber, 05, 2020 (HOL)- Guddoomiyaha Aqalka sare Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa siweyn uga soo horjeestay guddiga doorashada heer federaal oo ay dowladdu ku dhawaaqday isaga oo eedeyn u jeediyay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya

11/5/2020 3:00 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay gobolka Tigray ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya, kaddib markii Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed uu amray ciidanka difaaca Qaranka in ay talaabo malatari ka qaadaan TPLF oo ku eedeysan in ay weerarreen saldhigyo ciidan.

11/5/2020 2:38 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay iyo maamulka Somaliland ayaa bilaabay wada xaajood ku saabsan shuruudo cusub oo u oggolaanaya UN iyo hay'adaheeda inay si gooni gooni ah ula macaamilaan Somaliland.

11/5/2020 12:51 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)- Joe Biden oo ah musharaxa Xisbiga dimuqraadiga ayaa aamisan in uu guuleystay inkastoo wali guud ahaan marka la eego dalka Mareykanka ay socto tirinta codadka la dhiibtay.

11/5/2020 12:23 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo kormeeray jidadka magaalada magaalada Muqdisho oo ay xireen biyo ka dhashay roobab lixaad leh oo ka da'ay caasimada.