4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2020
Ra'iisal Wasaare Rooble oo faray maamulka gobolka Banaadir dardargalinta nadiifinta jidadka Muqdisho

 

Khamiis, November, 05, 2020 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo kormeeray jidadka magaalada magaalada Muqdisho oo ay xireen biyo ka dhashay Roobab lixaad leh oo ka da'ay caasimada.

Kormeerka Ra'iisal Wasaaraha oo la xiriiray u kuurgalida qaabka ay u socdaan howlaha nadiifinta ayaa faray mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir in degdeg loo soo gabagabeeyo howlaha socda si dib loogu soo celiyo isku socodka magaalada.

Sidoo kale Ra'iisal Wasaaraha ayaa maamulka faray in loo gurmado dadka ay dhibaateeyeen daadadka ka dhashay Roobka gaar ahaan qoysaska danyarta ah ee ka barakacay guryahooda.

“Waxaan farayaa mas'uuliyiin maamulka in loo gurmado dadka ay dhibaatooyinku ka soo gaareen Roobabkii maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Roob lixaad leh oo maalmihii ugu danbeeyay ka da'ayay magaalada Muqdisho ayaa biyo dhigay qeybo badan oo ka mid ah caasimada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]