4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 4 , 2020
Wasaarrada Arrrimaha Gudaha iyo Federaalka oo hambalyeeysay Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle

 

Arbaco, November, 04, 2020 (HOL) -War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarrada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa lagu hambalyeeyay Guddoonka cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.

Sidoo kale Wasaarradda ayaa boggaadisay guddiga doorashada, hayaddaha Amniga iyo dhamaanba dadkii ka shaqeeyay in ay doorashadu ku dhacdo si nabad-galyo ah.

Wasaarradda  ayaa ku dhiiri-galisay Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle in ay dhameystiraan howlaha ka dhiman doorashada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa loo doortay Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, halka ku-xigeenkiisa Koowaad iyo Labaad loo doortay Siraaji Sheekh Isxaaq iyo Mahad Xassan Cismaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]