4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2020
Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta la dooranayo

 

Arbaco, November, 04, 2020 (HOL)- Amaanka magaalada Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoo maanta lagu waddo in ay ka dhacdo doorashada Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.

Xildhibaannada ayaa maalintii shalay khudbado ka dhageystay musharixiinta u taagan xilkan oo tiradoodu gaareyso ilaa 6 musharax kuwaa oo u kala tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka , ku-xigeenkiisa Koowaad iyo Labaad.

Guud ahaa marka la eego magaalada Jowhar waxaa ka soconaya olole doorasho oo ay isku hayaan dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasadda Soomaaliya oo qolo walba ay doonayaan in ay ku adkaadaan doorashadan oo saameyn weyn ku leh tan guud ee Federaalka  waxaana saacadaha soo socda la filayaa in ay halkaa gaaraan siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka.

Wixii ka soo kordha hadba doorashada maanta waan idin soo gudbin doonnaa....

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]