4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 16, 2020
Baarlamaanka Hirshabeelle oo qorsheynaya in la kordhiyo muddo xileedka madaxda Hirshabeelle


Isniin, November, 16, 2020 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Mahad Xassan Cismaan  ayaa sheegay in uu socdo qorshe la doonayo in hal Sano lagu kordhiyo muddo xileedka maamulka oo hadda ah Afar Sano.

Arrintan ayuu u sababeeyay in la kala wareejiyo sida uu hasdalka u dhigay  in ay isku soo beegmaan mar walba dhismaha Hirshabeelle iyo doorashada Dowladda Dhexe ee federaalka, sidaa daraadeed laga fikiray in kala wareejiyo labada doorasho oo muddo xileedka Hirshabeelle laga dhigo 5 sano halka dowladda federaalka muddo xileedkeedu uu yahay Afar Sano.

''Arrintan waxaan u sameyneynaa si uu culeyska labada doorasho ee isku beegmaya aan isaga yareyno, waayo hadda waad la soctaa guddiga doorashada ku matalaya Dowladda Dhexe  Hirshabeelle waxaa magacaabay madaxweynihii hore Maxamed Cabdi Waare, waxey aheyd in uu magacaabo madaxweynaha la doortay ee Cali Cabdullaahi Guudlaawe, waxaana taa keenayaa waa labada doorasho ee mar walba isku beegmaya'' ayuu yiri Mahad Xassan Cismaan.

Soo jeedintan oo aan wali go'aan kama danbeys ah laga gaarin ayaa hadal heyn siyaasadeed  ka dhax abuurtay siyaasiyiinta iyo waxgaradka ku dhaqan labada gobol ee dowlad gobolleedku ka kooban yahay kuwaa oo qaarkood ku dooddaya sababta mar hore looga fikiri waayay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]