3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2020
Axmed Madoobe oo ka qeyb-galay shir ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay



Isniin, May 18, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay kaa oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladaha dalka guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha hortaagan.

Kulanka oo ka dhacay qadka Internetka gaar ahaan aaladaha maqalka iyo Muuqaalka ayaa waxaa ka qeybgalay danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirrada wadamada UK, Norway, Sweden, Germany iyo safiirka midowga Afrika ee Soomaaliya iyo wakiillo iyo madax ka socotay ururrada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Bogga Facebook ee Madaxweynaha Jubblaand ayaa lagu soo qoray sidan: "Kulanka ayaa diirada lagu saaray Sidii looga hortagi lahaa faafida Xanuunka Covid19 oo kiisas kala duwan laga helay Jubbaland qaar kamid ahna ay u dhinteen waxaa kale oo lagaga hadlayay kulankan Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka heer Federaal ee fooda inagu soo haya sidii ay ugu dhici lahayeen si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah wakhtigooda.

"Mudooyinkii u danbeeyay waxaa jiray shirar isdaba joog ah oo madaxda beesha caalamka ay la qaadanayeen madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka, kuwaa oo looga hadlayay xaalada ka jira dalka, saameynta cudurka Corona iyo arrimaha doorashooyinka dalka.
 
Hiiraan Online News Desk.


 













Click here
5/18/2020 6:06 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Soomaaliya Cabdilaahi Bidhaan Warsame iyo weftigiisa ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle.

5/18/2020 5:52 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Guddi baaritaan oo ka socday dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ayaa tagay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, si ay u guda galaan baaritaanka diyaaradii kusoo dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha Bardaale.

5/18/2020 1:43 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Iyadoo uu haatan gabagabo yahay xili roobaadkii Gu'ga ayaa laga dayrinayaa degaano badan oo ka mid ah gobolka Sool iyadoo ay jiraan duulaamo ayax ah oo ku habsadey dhul daaqsimeedkii biyo gu ku hooreen intoodii badnayd.

5/18/2020 1:18 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - In ka badan 70 maamulayaal ganacsi oo Muqdisho fadhigoodu yahay ayaa looga yeeray degaanada Shabaabku maamulaan, ilo xog-ogaal u ah amniga ayaa u sheegay warbaahinta Horn Observer.

5/18/2020 1:12 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Puntland iyo Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay xayiraadii ganacsi ka qaadeen Qaadka ka imaan jiray dalka Ethiopia, kadib markii labadaas maamul ay horey u joojiyeen.