3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2020
Wadamada Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya oo bilaabay baaritaan diyaaradii ku dhacday deegaanka Bardaale
 


Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Guddi baaritaan oo ka socday dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa tagay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, si ay u guda galaan baaritaanka diyaaradii kusoo dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha Bardaale.

Guddigaan oo ka kooban Saddex Kenyaati ah oo ka socda wasaaradda duulista Kenya, hal qof oo Itoobiyaan ah iyo lix Soomaali ah oo uu wehliyo wasiirka gaadiidka Koonfur Galbeed.

Dowladda Kenya ayaa waxay ku hanjabtay inay tilaabo qaadayso haddii ay ku qanaci waydo baaritaanka sababtii ka dambeysay in lasoo rido mid kamid ah diyaaradaha laga leeyahay dalkeeda oo ku duulaysay hawada Soomaaliya.

Tilaabooyinka la filan karo ee Kenya ku hanjabayso ayaa ah in diyaaradaha ka diiwaan gashan dalkeeda ay ka joojiso inay u safraan dalka Soomaaliya, arintaas oo saameyn culus ku yeelanayso isku socodka labada dal iyo duulimaadyada gudaha dalka Soomaaliya, maadaama dayaaradaha ka duula gudaha Soomaaliya ay badankooda ka diiwaan-gashan yihiin dalka Kenya.

Waxaa kaloo xusid mudan in dhammaan diyaaradaha yimaada Soomaaliya ee sumadoodu tahay 5Y- ay ka diwaangashan yihiin dalka Kenya. Waana summadda u gaarka ah dalka Kenya.

Soomaaliya ayaan waqtigaan la joogo ogolaasho ka haysan hay'adda duulista adduunka ee ICAO in ay diiwaan galiso dayaaradaha. Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa awood u leh in ay diiraan galiyaan dayaaradaha ku sugan dalalkooda.

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Bay ayaa sheegtay inay diyaaradaas iyagu soo rideen kadib markii ay uga shakiyeen inay tahay diyaarad ismiidaamin damacsanayd, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday midowga Afrika.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/18/2020 9:30 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay kaa oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladaha dalka guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha hortaagan.

5/18/2020 6:06 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Soomaaliya Cabdilaahi Bidhaan Warsame iyo weftigiisa ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle.

5/18/2020 1:43 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Iyadoo uu haatan gabagabo yahay xili roobaadkii Gu'ga ayaa laga dayrinayaa degaano badan oo ka mid ah gobolka Sool iyadoo ay jiraan duulaamo ayax ah oo ku habsadey dhul daaqsimeedkii biyo gu ku hooreen intoodii badnayd.

5/18/2020 1:18 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - In ka badan 70 maamulayaal ganacsi oo Muqdisho fadhigoodu yahay ayaa looga yeeray degaanada Shabaabku maamulaan, ilo xog-ogaal u ah amniga ayaa u sheegay warbaahinta Horn Observer.

5/18/2020 1:12 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Puntland iyo Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay xayiraadii ganacsi ka qaadeen Qaadka ka imaan jiray dalka Ethiopia, kadib markii labadaas maamul ay horey u joojiyeen.