Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashadooyinka Puntland, ayaa maanta oo khamiis ah soo bandhigay 17 urur siyaasadeed oo si rasmi ah iskaga diiwaan galiyay guddiga doorashooyinka, saddexdii bilood ee ay furmayd furashada ururada siyaasada, iyadoo ku ekayd 15-march.
Guddoomiyaha guddiga doorashada, Gulled Saalax Barre, ayaa sheegay ururadaan isdiiwaan galiyay inay u gudbidoonaan wajiga labaad ee sharuudaha, oo ah inay qabsadaan shirweynaha ururka, inay xafiisyo ka furtaan ugu yaraan 6 gobol iyo soo gudbinta xubnaha ururka oo dhan 1,800 xubin.
Guddoomiyaha guddiga doorashada wuxuu sheegay inay shahaadooyin siiyeen ururadaan liiskooda uu soo bandhigay, isagoo ku ammaanay inay soo buuxiyeen sharuudihii koowaad.
Ururadaan waxaa ku jira urur siyaasadeed uu dhawaan ku dhawaaqidoono madaxweynaha Puntland Siciid Deni, kaasoo ah urur siyaasadeedka muxaafidka, waxaana badi ku jira masuuliyiinta golaha wasiiradda iyo golaha barlamaanka Puntland.
Waxaa sidoo kale jira urur siyaasadeedyo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiin saameyn culus ku leh siyaasada Puntland, oo qaarkood ay kamid yihiin murashixiintii doorashadii hore ee madaxtinimada Puntland,
Puntland ayaa labo jeer oo hore ku fashilantay hirgalinta hannaanka xibsiyada badan, waxaana weli maamulka hadda jira horyaala caqabadihii fashiliyay labadii goor ee hore, waxaana caqabaqadaas kamid ah, la'aanta maxkamadii dastuuriga ahayd, kala xaddaynta degmooyinka, degaano weli ka maqan gacanta Puntland iyo hubka ka dhigista bulshada.
Balse, waxaa maamulka hadda jira lagu ammaanaa in uu waqti hore barnaamijkaan daaha ka rogay, taasoo loo arko in madaxweynaha ay ka go'antahay hirgalinta nidaamkaan.
Madaxweyne Deni wuxuu dhawaan sheegay inuu furayo xisbigii xukuumadiisa u meteli lahaa hannaanka axsaabta badan. Waxaa kale oo uu sheegay inuu cabsi ka qabin hirgalinta nidaamkaan xitaa haddii uu ku weynayo xukunkiisa.
Halkaan hoose ka akhriso magacyada ururada siyaasada.