4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2020
Xildhibaannada Baarlamanka oo maanta ka shiraya sharci muhiim ah
 

Isniin, Juun 15, 2020 (HOL) -  Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa,  waana mid kamid ah kulamada billowga ah kalfadhigoodii ugu dembeeyay.

Qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa HOL u sheegay in ay ka doodi doonaan sharciga Nootaayooyinka dalka,  kaas oo Xildhibaanadu usoo mariyeen akhrintii koowaad .

Xalay ayaa xildhibaannada loo diray farriimo, waxaana laga codsaday in ay dhowraan waqtiga.

Kalfadhigan hadda bilowga ah ayaa waxaa Baarlamanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin badan oo muhiim u ah dalka.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]