4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2020
Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo isku casilay sababa la xiriira dibad-baxii la hor istaagay ee Beledweyne
 

Jimco, Juun 12, 2020 (HOL) - Wasiir ku xigeenka amniga maamulka Hirshabeelle Geelle Isaaq Warsame ayaa shaaciyay inuu xilkaas iska casilay, kadib markii uu sheegay in booliska Gobolka Hiiraan ay joojiyeen dibad-bax uu qeyb ka ahaa oo ay shacabka ku taageerayeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Geelle oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha sharci dejinta Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay in amarka uu dibad-baxa ku joojiyay taliyaha booliska Gobolka Hiiraan Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alle uu ka yimid madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan ayaa joojiyay mudaharaad ka socday magaalada Beledweyne , waxayna sidoo kale xabsiga dhigeen Guddoomiyahii hore ee degmada Maxaas iyo weriye duubayay dibad baxa ka dhacay magaalada.

Wararka laga helayo ila wareed ku sugan magaaladaas ayaa waxay sheegayaan in abaabulka dibad-baxaan ay maskaxdiisa leeyihiin mas’uuliyiin horay xilal ugasoo qabtay Gobolka Hiiraan iyo siyaasiyiin sar sare oo ka tirsan labada gole ee Hirshabeelle kuwaas oo aan ku siyaasad aheyn madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo ku saabsan sababta loo hor istaagay mudaharaadka lagu taageerayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]