4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2020
Russia oo gantaalada riddada dheer ee hubka cirka gaarsiiyay Ethiopia
      

Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Russia ayaa gantaalada riddada dheer ee loo yaqaan Pantsir-S1 gaarsiisay Ethiopia bishii Nofembar, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Sputnik -Russian.

Labada dal ayaa bishii November yeeshay kulan iskaashi difaac ah. Kulanka labaad ayaa ka dhicidoona magaalada Addis Ababa, November 2020, sida uu sheegay Alemayehu Tegenu, safiirka Itoobiya ee Ruushka.

“Kulanku wuxuu ahaa mid guul ah. Guddidu waxay gaadheen heshiisyo badan. Shirka soosocda waxaa sanadkan lagu qaban doonaa magaalada Adisababa.

Waxaan sii wadi doonnaa la shaqeynta Ruushka maxaa yeelay waxaan dooneynaa inaan casriyeyno ciidankeenna militariga.

Sidaad ogtahay, ciidankeenu aad ayuu ugu xoogan yahay gobolka, wuxuu ka qeyb qaadanayaa howlgalada nabad ilaalinta, wuxuu kaloo ka shaqeeyaa la dagaalanka argagaxisada.

Arrintan waxaan mar walba rabnaa inaan iskaashi kala sameysanno waddamada sida Ruushka. ”ayuu yidhi safiirka Ethiopia.

Danjiraha Itoobiya wuxuu yidhi “Ethiopia aad bay ugu farxi doontaa inay garab ka hesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,” sida lagu xusay warbixinta Sputnik.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]