Gudoomiye Cirro “waxaan odhan lahaa garoonka Laascaanood iyo sanduuqa Dhallinyarada la meeraysiga ha ka saarto xukuumaddu”.
Talaado, Janaayo ,28, 2020 (HOL )–Gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ayaa dhaliilo usoo jeediyey xukuumadda,isla markaana ugu baaqay in dhallinyarada balanqaadyadii loo balanqaaday loo fuliyo.
Sidaas waxay ka sheegeen
munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen gudoomiyaha cusub ee dallada
dhalinyarada ee SONYO Cabdicasiis Maxamed Jaamac iyo gudoomiyaha xilka
wareejinaya Cabdicasiis Siciid Saalax oo munaasibadoodu ka dhacday hoteel
Maansoor ee magaaladda Hargeysa.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah
ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in madaxweynuhu bishan aakhirkeedda
ballanqaaday inuu dhamaynayo khilaafkii ka taagnaa inay doorashooyinku dhacaan,
hadii uu wax ka qaban waayana ay iyaguna talaabooyin kale qaadi doonaan.
“Waxaa inagu raftay wax komishan
la yidhaahdo, bishan aakhirkeeda ayuu madaxweynuhu sheegay inuu dhamaynayo arrintaasi, arrintasi hadii
ay dhamaan waydo anaguna talaabooyin baanu qaadi doonnaa si dalkan ama doorasho
loo gallo ama wax kale looga wareegi lahaa.”
Waxa kale oo uu Faysal ka hadlay hadalo ka soo yeedhay
masuuliyiinta Soomaaliya, waxaanu yidhi “ laba arimood ayaa ka soo yeedhay
Soomaaliya, nin Cabdiraxmaan Guul waddo
la yidhaahdo oo inna Siyaad Bare qabi jirey ayaa yidhi xaq bay ahayd in dadkii
reer Somaliland la laayo maadaama oo dalka la difaacayey, ninkaasi wuxuu ku
jira toddoba qof oo uu Farmaajo sameeyey oo uu yidhi waa guddida wada hadalada
Somaliland iyo Somalia, Somaliland laba ka soo jeeda oo mid waxa la yidhaahda Gen:Axmed Jaamac oo booliska Soomaaliya ayuu
haysan jirey, midna ina Jaamac Jangali weeyi oo aabihii wuxuu ahaa ninkii soo
saaray siyaasada Saanwayj waa ninkii yidhi Somaliland sida Jaanwayjka ha loo
cuno oo dhinacaana Itoobiya ha ka soo gasho dhinacanna Soomaaliya waxa la
yidhaahda ina Saanwayj, midna waa Cabdilaahi Sh. Cali nin caadi ah maaha,
kuwaas oo kale in la yidhaahdo Somaliland bay la hadlayaan waa wax laga xishoodo”.
Sidoo kale, Gudoomiyaha xisbiga
WADDANI C/raxmaan Cirro ayaa xukuumada usoo jeediyey in aan lala meeraysan
dhalinyarada ee loo fasaxo sanduuqa dhalinyarada ee ay wax ku qaban lahaayeen.
“ Gudoomiyaha xilka wareejinaya
ee dhalinyarada waxaan hadalkiisa ka soo qaadanay laba wax oo aan u qabsoomin,
mid waa garoonka Laascaanood, midna waa sanduuqa dhallinyaradda, waxa
hadalkiisa ka muuqatay in xukuumaddu sadexdaasi sanadood la meeraysanaysay
waxaan odhan lahaa garoonka iyo sanduuqaba la meeraysiga ha ka saarto
xukuumaddu”.
Sidoo kale, waxa hadalkaasi
gudoomiye Cirro ka jawaabay wasiirka Dhallinyarada Ciyaaraha Boos Mire,
waxaanu sheegay in sanduuqaasi
dhalinyarada hawshiisa la waddo,isla markaana garyaqaanka guud uu samayanyo
xeerkii lagu dhaqi lahaa, taas oo ay hadda ku jirto afar boqol oo kun, waxaana
la sugayaa in ganacsatadda iyo hay’adaha caaalamiga ku soo daraan intoodii,
waxaanu ugu bushaareeyey in gudoomiyaha cusub nasiib u yeelan doonno wax ku
qabashada sanduuqaasi ayuu hadalkiisa raaciyey.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha xilka
wareejinaya Cabdicasiis Siciid Saalax ayaa sheegay in dhagax dhig ay ku
sameeyeen garoonka kubadda kolayga Laascanood aanay u suurogalin ka dib markii
lacagtii ay doonayeen inay ku dhisaan xukuumadda ka soo bixi wayday, sidoo
kale, waxa uu xusay in sanduuqihii horumarinta dhalinyaradda muddo saddex
sannaba xukuumada ka sugayeen inay wax ku qabtaan taas oo mudadii ay joogeen u
suurogali wayday.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.