Shir u Dhaxeeyey DFS Hay’adaha Caalamiga ah oo lagu qabtay Muqdisho
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee XFS Mudane, Avv. Xasan Xuseen Xaaji iyo Hanti-Dhowraha Qaranka Maxamed Cali Afgooye iyo howlwadeenno ka kala socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Xafiiska Handhowrka ayaa kulan la qaaatay hay’adaha UNDP, UNODC, EUCAP iyo qaar ka mid deeq-bixiyayaasha magaalada Mogadisho maanta.
Kulankaas ayaa Wasiirka kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid
yihiin dadaalka Wasaaradda ay ka waddo dardar-gelinta la dagaalanka
musuqa iyo horumarinta hufnaanta dhammaan hay’adaha dowladda dhexdooda
taasoo ay qeyb weyn ka tahy diyaar garowga ay Wasaaradda sameynayso
sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd saxiiyayaasha heshiiska caalamiga
ah ee la dagaalanka musuqa oo loo soo gaabiyo (Ratification of UNCAC).
Waxaa kaloo Wasiirka iyo Hanti-dhowraha Qaranka iyagoo la kaashanaya
ku soo bandhigeen kulankaas Stiratijiyada qaran ee la dagaalanka musuqa
iyo sida loo dhaqan gelinayo iyadoo la marsiin doono golaha wasiirada
dhawaan kadibna ay noqon doonta mid ka shaqeysa gayiga Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay hay’daha UNDP iyo UNODC oo ballan
qaaday in kala shaqeyn doonaan Wasaaradda howlaha la xiriira dhaqan
gelinta iyo ku biiridda heshiisyada caalamiga ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]