4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2020
Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda lacagta aduunka oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Dhismaha Sanduuqa Lacagta
 

Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo dowladda federalka Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan barnaamij cusub oo seddex sano ah oo ah dib-u-habeyn dhaqaale ah laguna taageerayo Dhismaha Sanduuqa Lacagta.

Warbixinta heshiiska ayaa lagu sheegay in ay Soomaaliya ka go'antahay fulinta siyaasadaha iyo hirgelinta dib-u-habeynta dhaqaalaha taas oo soo dhowaynaysa in dalka laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, si waddanku uga baxo Heerka Saboolnimada daran.

Hay'adda IMF ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya guulaha ay ka gaareen hirgelinta dhowr sharciyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Dakhliga, Maamulka Maaliyadda Dowladda, iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa.

Intaa waxaa sii dheer, dadaalada socda ee masuuliyiinta ay ku xoojinayaan xiriirka maaliyadeed ee ka dhexeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada. Ururinta dakhliga gudaha , iyadoo dakhliga gudaha ilaa Nofembar uu gaaray $194.6 milyan.

Soomaaliya waxay rajeynaysaa marka ay soo buuxiso sharuudaha laga rabo in sanadaha soo socda laga cafiyo dhamaan deymaha lagu leeyahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]