4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2020
Kheyre oo sagootiyay ciidamo loo diyaariyay howlgal ka dhan ah Al-shabaab

 

Axad,Janaayo, 26, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya XFS mudane Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada Al-shabaab la gula dagaalayo.

Ciidamada oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisal  Wasaaraha uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna kula ballamay in Al-shabaab ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka  fuliyaan howl gallada. 

Ciidamanka tababarka dhameystay ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya la-dagaalanka Al-shabaab ayaa sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidamada.

Ciidamo horey loogu tababaray xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay  howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul  qaadayo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]