4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2020
Puntland: Siyaasi ka digay tilaabo kasta oo keeni karta in shacabka Puntland waayaan addeegii ay dowladda federalka ka heli jireen
 

Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)-Siciid Faarax Maxamed Sanweyne oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland horeyna madax ugasoo noqday xisbi siyaasadeed, ayaa madaxda Puntland iyo dowladda federalka uga digay in danaha shacabka mugdi loo galiyo ismariwaaga ka dhextaagan dowladda federalka iyo Puntland.

Siyaasigaan oo wareysi siiyay hiiraan Online, ayaa masuuliyiinta Puntland kula taliyay in aanay marnaba qaadin tilaabo kasta oo keeni karta in shacabka Puntland ay waayaan addeegii ay degaanadooda ku heli jireen ayna dantu ku qasabto inay meelo kale u raadsadaan.

“Shalay waxay Puntland amar kasoo saartay xilwareejinta maamulka socdaalka iyo jinsiyadaha, berito waxaa xigi karta in addeegii bixinta Passporada uu hakad ku yimaado khilaafkaas awgiis, yaa marka dhibaato ku qaba arrintaas.” Ayuu yidhi Siciid sanweyne.

“Fadlan, yaan la siyaasadayn arrimaha shacabka, dowladda federalka iyo Puntland waxa aad ku isku haysaan yaysan dhibkooda shacabka soo gaarin,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Siciid Sanweyne,  ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah in khilaafka ka dhex jira DF iyo Puntland  say labada Madaxweyne uga wada xaajoodaan lana soo af jaro.

khilaafka dhinaca waxbarashada ee hadda ka dhexeeya labaa dhinac, isagoo sheegay in taas ay halis galin karto mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed ee reer Puntland.

Khilaafka masuuliyiinta Puntland iyo dowladda federalka ayaa noqday khilaafkii ugu waqtiga dheeraa, marka loo eego khilaafyadii horey u dhexmaray madaxdii ka horeysay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]