4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2020
Ahlu Sunna '' Haddii aysan Dowladdu joojin afduubka doorashada waxaan dhisi doonnaa maamul ay u dhan yihiin dadka reer Galmudug

 

Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Is-mariwaa siyaasadeed ayaa wali ka taagan degmada DhuusaMareeb oo lagu balansanaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxa Xukuumadda Dowlad gobolleedka Galmudug dhinaca kalana ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay in dowladdu afduub ku sameysay doorashada Galmudug.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in guud ahaan marka la eego mustaqbalka Galmudug uu u muuqdo mid mugdi sii-galaya iyaga oo sheegay in ay dhisi doonaan maamul cusub oo dadka reer Galmudug u dhan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]