4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2020
Golaha wasiirada Somaliland oo maanta ansixiyey xeerka illaalinta caruurta

 

Khamiis, Janaayo ,23, 2020(HOL )–Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta ansixiyey Qabyo Qoraalka xeerka Carruurta, waxa kale oo warbixin laga dhgaystay wasiirka waxbarashada iyo Sayniska.

Kalfadhigan golaha wasiirada waxa shirgudoominayey madaxweyne Muuse Biixi waxaana ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, kuwaas oo maanta ku ansixyey qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, sidoo kale waxa uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, halka ay dood ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka maalgashiga qaranka.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah, isagoo xusay doorka wasaaradda ee dadkaas, waxaana golaha wasiiradu go’aamiyeen in mudnaan gaara la siiyo.

Ugu danbayn waxa goluhu dood iyo falaqayn ka yeesheen xaaladda guud ee ganacsiga, kala xadaynta ganacsiga, tayada ganacsiga, iyadoo loo saaray guddida dhaqaalaha ee goluhu inay warbixin buuxda ka soo diyaariyaan xaaladda ganacsi ee dalka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.