Saudi Arabia: Bin Salman lama kulmayo Netanyahu
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)-Wasiirka arrimaha dibedda Saudi Arabia ayaa Khamiistii beeniyey warbixino sheegayey in laga yaabo inay kulmaan dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.
“Ma jiro wax kulan ah oo la qorsheeyey inuu dhex-maro Saudi Arabia
iyo Israel,” waxaa sidaas taleefishinka Sacuudiga ay leeyihiin ee
Al-Arabiya u sheegay Amiir Faisal bin Farhan, oo ka jawaabayey warbixin
uu qoray wargeyska Haaretz ee Israel.
“Siyaasadda Sacuudiga way caddeyd tan iyo markii dagaalka uu
billowday. Ma jiro xiriir u dhaxeeya Saudi Arabia iyo Israel.
Boqortooyada waxaa ay si dhab ah u dhinac taagan tahay Falastiin.”
Israel iyo Sacuudiga ayaa wadaaga dan mid ah oo ah inay ka hor-tagaan
Iran, ayaga oo u arka Tehran inay tahay halistooda ugu weyn, hase
yeeshee Saudi Arabia ayaa ku adkeysaneysa in xiriir kasta oo ay la
yeeleneyso Israel uu ku xiran yahay inay ka baxdo dhulka Carbeed ee ay
ku qabsatay dagaalkii 1967-kii.
Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa bishii tagtay kasoo dhinac muuqday
madaxweyne Trump oo kulan ka dhacay Aqalka Cad kusoo bandhigay
qorshihiisa Nabadda Bariga Dhexe, oo ogolaanaya in la abuuro dal
Falastiin, balse ka duwan hindisihii Sacuudiga ee 2002.
Hoggaanka Falastiin ayaa diiday qorshaha Trump, oo ay sheegeen inuu si xooggan ugu hiilinayo Israel.
Hase yeeshee dalalka Khaliijka ayaa soo dhoweeyey dadaallada
Washington, tallaabadaas oo loo arkay inay xiriirka Washington, oo
muhiim u ah ka hor-tagista Iran, ay ka door bidayaan taageerada
Falastiin.
Sanadii 2017, wasiir ka tirsan Israel ayaa sheegay inay xiriir hoose
la leeyihiin Riyadh, halka Radio Israeli ah uu sheegay in Maxamed Bin
Salman uu saraakiil kula kulmay Israel, taasi oo horseeday beenin rasmi
ah oo Sacuudiga ay soo saareen.
VOA