3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2020
Ilyaas Aadan oo ka hadlay sababta aan loo toogan mid kamid ah ragga gabadhiisa loo xukamay
 

Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Aabaha dhalay marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan, ayaa soo dhoweeyay in gabadhiisu cadaalad heshay kadib markii saakay xukun dil ah lagu fuliyay labo kamid ah saddexdii nin ee kiiskaas loo xukumay.

Ilyaas Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dib loo dhigay fulinta xukunka xukumanaha saddexaad oo lagu magacaabo Cadbisalaan Cabdiraxmaan Warsame, kadib markii ay isku afgrteen isaga iyo qoyskiisa, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Wuxuu sheegay Ilyaas in xukunka la fuliyay uu dawo u noqondoono gabar kasta oo Soomaliyeed inaan lagula kicin falka gabadhiisa loo geystay.

Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ah xukumanaha dib loo dhigay fulinta xukunkiisa waxay wararku sheegayaan in aan caddeymo rasmi ah loo helin in uu ka qeyb qaatay fal dambiyeedkaas.

Dhamaan maxkamadihii uu kasoo muuqday marnaba ma uusan qiran inuu kiiskaas ku lug lahaa, halka labada kale ay qiranayeen inay gabadha kufsadeen, laakiin ay ku dafirayeen inay dileen Caa’isha.

Balse, hay'addaha garsoorka Puntland ayaa sheegay in DNA laga qaaday uu caddeynayo inuu kiisku qeyb ka ahaa.

Dhamaman degaanada Puntland ayaa laga hadal hayaa xukunkaan, waxaana lagu wadaa inay dhacaan dibadbaxyo lagusoo dhoweynayo cadaalad Caa’isha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/11/2020 11:01 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Dowlad goboleedka Puntland ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray mowqifkeeda ku aaddan Sharciga Betroolka ee uu saxiixay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah.

2/11/2020 10:56 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya XFS Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kula kulmay agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo Seyniska, Audrey Azoulay oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

2/11/2020 7:31 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)-Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xassan Xijaar oo maanta ka hadlayay kulan ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalka Amnigiisa sida uu hadalka u dhigay lagu soo duulay.

2/11/2020 6:20 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta dowlad goboleedka Puntland, Cawil Sheikh Xaamid ayaa farriin culus u diray dadka kufsiyada ku howlan, kadib markii maanta cadaaladda la marsiiyay raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan.

2/11/2020 2:09 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa halkaa ka wada kulamo gooni gooni ah oo uu la leeyahay madax heer caalami ah.

2/11/2020 12:45 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Puntland ayaa goor dhow xukun dil ah ku fulisay labo kamid ah saddexdii xukumane ee loo haystay kufsigii iyo dilkii caa’isha Ilyaas Aadan.