4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2020
Nabbadoon lagu caleema saaray Magaalada Baledweyne


Talaado, Agoosto 4, 2020 (HOL) - Mid ka mid ah beelaha dega gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa magaalada Baledweyne ku duubatay nabbadoon Xasan Cabdi Caddow oo loo yaqaano Xasan Barre kaaso noqonaya nabbadoonka Beesha Muuse Cali ee Uurka xeeb.

Caleema saarka nabbadoonkan beesha Muuse Cali Uurka xeeb ayaa imaanaysa kadib markii uu geeriyooday nabbadoonkii hore ee beesha allah u naxariiste Cabdi Cilmi Salaad.

Qaar ka mid ah waxgaradkii kasoo qeyb galay munaasabaddii lagu caleema saarayay nabadoonka cusub ee beeshaasi ayaa goobta ka sheegay in nabbadoon Xasan Barre looga fadhiyo samata bixinta beesha iyo horumarinteeda.

Nabbadoonadii munaasabada ka hadlay waxaa ka mid ahaa nabbadoon Saney Garaad, nabbadoon Maxamed Maxamuud Farey iyo nabbadoonka guud ee beesha Uurka xeeb nabbadoon Xasan Macalin Gashiin waxayna goobta ka sheegen iney si hufan ula shaqeyn doonaan nabbadoonka cusub ee beesha Muuse Cali Xasan Cabdi Caddow.

Gabagabadii nabbadoonka la caleema saaray Xasan Cabdi Caddow ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka ay u duubteen beeshiisa, uuna ka shaqeyn doono masaalaxada beesha iyo aayaheeda si caddaalad ahna uu ugu dhaqi doono beeshiisa shareecda islaamka.

Hiiraan Online News Disk