4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 21, 2020
Puntalnd oo ka jawaabtay hadal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya
 

Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntaland ayaa beesha Caalamka usoo jeediyay in la joogo waakhtigii ay saaxiibada Soomaaliyeed fahmi lahaayeen halka ay u socoto siyaasadda dalka iyo marxaladda kala guurka ah, taas oo muhiimad wanaagsan u leh dowladnimada Soomaaliyeed.

Nuuradiin Aadan Diiriye oo ah la taliyaha madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu bartiisa Twitter-ka ku qoray in saaxiibada beesha Caalamka ee Soomaaliya fahmaan halka uu jiro xalka Soomaaliya .

“Run ahaantii waa xilligii saaxiibbadeenna  fahmi lahaayeen oo ay bogaadin lahaayeen in Soomaalida mar kasta ay go’aannadooda sameysan jireen marka la gaaro doorashada dalka, sidaasna ay sii ahaan doonaan. Erayga ‘Qaswade”  wax macno ah malaha” ayuu ku yiri Nuuradiin Aadan Diiriye Qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka.

Hadalkaan ayaa waxa uu jawaab uga dhigay qoraal ay Twitter-ka soo gelisay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu sheegay in dhinacyadii ka maqnaa heshiiskii Dhuusamareeb ay yihiin qaswadayaal , Mareykankana uusan sii taageeri Karin.

Maamullada Jubaland iyo Puntland ayaan qeyb ka aheyn heshiiskii nooca doorashada ahaa ee lagu gaaray caasimadda Galmudug.

 

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]