4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 13, 2020
Al-shabaab oo loo dusiyay cod sir ah oo ay ku wada hadlayeen masuuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland
 

Khamiis, Agoosto 13, 2020 (HOL) - Ururka Al-shabaab ayaa loo dusiyay cod sir ah oo xasaasi ah oo ay ku wada hadlayeen masuuliyiinta amniga iyo maamulka Mudug, xilli ay u waramayeen jaaliyadda.

Masuuliyiintan oo kala ah, guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Cabdiladiif Muuse Sanyare iyo taliyaha qeybta booliiska gaashaanle sare, Muumin Cabdi Shire, ayaa si toos ah warbixin ku saabsan amniga ugu gudbinayay jaaliyadda dibadda.

Arrimaha ay kala hadlayeen waxaa kamid ahaa, sidii gobolka u heli lahaa ciidamo dharcad ah, sidii dugsiyada qur’aanka ee kuyaala Gaalkacyo loo ogaan lahaa waxyaabaha lagu baro carruurta iyo la dagaalanka ururka Al-shabab, oo taliyuhu sheegay in ay xarumo qarsoon ku leeyihiin gudaha magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiinta waxay codkooda ku gudbinayeen aalada Whatsappka, iyagoo jaaliyadda ugudbinayay warbixin ku saabsan xaaladda amniga gobolka iyagoo dhinaca kale kala hadlayay jaaliyadda sidii ay taageero maaliyaddeed ugaga qeyb qaadan lahaayeen xoojinta amniga gobolka Mudug.

Al-shabaab ayaa barahooda internetka kusoo daabacay codka masuuliyiinta ay ku wada hadlayeen.

Abdisalan Nor Dirie, Hiiraan Online
[email protected]