9/21/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 15, 2020
Madasha Xisbiyada Qaran: Madaxweyne Farmaajo wuxuu si kalitalisnimo leh ugu tuntay dastuurka dalka


Talaado, 15 September, 2020 (HOL) -Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hogaamiyaan madaxdii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray eedeyn ay ujeediyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shir jaraa’id oo maanta ay ku qabteen caasimadda Muqdisho ayay ku eedeyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo “inuu si joogto ah ugu xadgudbo dastuurka, u abuuro jahawareer siyaasadeed iyo khilaaf dabadheeraaday  isla markaaasna uu ragaadiyey howlihii barlamaanka.”

“Madashu waxa ay u aragtaa mas’uuliyad darro iyo kaligii talisnimo in dalku uu xukuumad la’aado muddo 53 cisho ah, dowladnimadiina uu gacanta ku urursaday Madaxweynaha si uu dano shaqsi ugu fushado.”ayay Madashu sheegtay.

Indheer-garadka, dhaqanka, culimada, siyaasiyiinta iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ayey ugu baaqeen inay u istaagaan badbaadinta dalka.


 

Hiiraan Online News Desk  













Click here
9/15/2020 12:32 PM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Qaramada midoobe iyo daneeyayaasha kale ee beesha caalamka ee Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay shirka magaalada Muqdisho uga socda madaxda dowladaha faderaalka qeybta ka ah iyo dowladda dhexe ee looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo doorashooyinka.

9/15/2020 10:10 AM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay 11 eedeesane u xiran yihiin kiiska baarista magaalada Muqdisho.

9/15/2020 6:43 AM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Shiikh Nuur Baaruud oo kamid ah mashaa'ikhda waaweyn ee Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xeerkii Galmada ee Baarlamanka Soomaaliya la horgeeyay.

9/15/2020 5:33 AM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Barasaabka Gaarisa Cali Bunow Qorane oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacag dhan 233m oo shilinka Kenya ah, ayaa heli doona xoriyadiisa hadii uu bixiyo damiin lacageed oo dhan Sh3.25 million, sida lagu sheegay go’aan kasoo baxay maxkamada Nairobi.

9/15/2020 5:04 AM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in baadhitaan uu isku sameeyay laga helay xanuunka Covid 19. Ma ahan masuulkii ugu horeeyay ee cudurka laga helo, balse arintiisa ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo baxaysay cabsida la xiriirta in cudurku soo labo kacleeyay.

9/15/2020 3:44 AM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa maxkamad soo taagtay duqii magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari, Cali Bunow Qorane iyo Afar eedeysane oo kala ah Ibraahim Malow Nuur Madaxii Dhaqaalaha Gaarisa, Maxamed Axmed C/laahi Madaxii Lacagta, Cabdi Shaale, madaxii fulinta Dowlada Hoose iyo Axmed C / laahi Aadan Madaxii Xisaabaadka ee Dowlada Hoose.

9/15/2020 3:10 AM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Barlamaanka Soomaaliya ayaa faray wasaaradda amniga in ay barlamaanka horkeenaan sababaha ka dambeeya kufsiyo fool xun oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo dareenka bulshada aad u kiciyay.