4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 11, 2020
Golaha Wasiirada xukuumadda xil gaarsiinta oo baab’iyey Barnaamijkii Tubaha Qaranka


Jimco, September 11, 2020 (HOL) - Golaha Xukumadda xil gaarsiinta Soomaaliya ayaa kulan aaan caadi aheyn oo ay isbuucan yeesheen ku baab’iyey Baanaamijka Tubaha Qaranka oo saddexdii sanno iyo barkii la soo dhaafay ahaa halbeega ay ku shaqeynaysay xukuumadda.

Sida ay illo xog-ogaal ah ugu warameen HOL, Barnaamijka Tubaha ayaa ujeedka loo sameeyay lagu sheegay awood siinta xubno ka tirsanaa xafiiska ra’isulwasaarahii hore ee xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre, kuwaas oo kala maamulayey lixda tubbood ee la hoos geeyay wasaaradaha, marar badana ka soo muuqan jiray kulamada wasaaradaha, iyagoo ku matalaya xafiiska ra’isulwasaaraha.

Mas’uuliyiin ka tirsan qaar ka mid ah wasaaradaha ay kor joogteyn jireen Tubaha Qaranka ayaa HOL u sheegay in barnaamijkani uu caqabad ku ahaa wasaaradaduhu inay u madax bannaanaadaan howlahooda shaqo, iyagoo ku dooday in aanay macno sameynin in ra’isulwasaare uu ku kalsoonaan waayo Wasiiradii uu magacaabay, midaas oo ay sheegeen in marar badan ay tabashooyin ka gudbiyeen.

Si ka duwan dadka qaba in barnaamijka Tubaha lagu maroorsaday awoodihii Wasaaradaha, ayay xubno kale qabaan in barnaamijkani ahaa hab lagu qiimeyo meesha ay mareyso shaqada dowladda iyo wixii ka qabsoomay qorsheyashii loo dejiyay Wasaaradaha.

Barnaamijka Tubaha Qaranka ayaa ka koobnaa afar tubbood kuwaas oo kala ahaa; Tubta Horumarinta Dhaqaalaha, Tubta Amniga iyo Caddaaladda, Tubta Arrimaha bulshada iyo Tubta Siyaasadda loo dhanyahay. Tub walba oo ka mid ah barnaamijkan ayaa lahaa u qeybsame u gaar ah, kuwaas oo qorshaha xafiiska ra’isulwasaaraha ku maamuli jiray Wasaaradaha la hoos geeyay.

Ma cada sababta ku soo beegtay in xilligan meesha laga saaro barnaamijka Tubaha iyo in xukuumadda xilka sii heysa ay ku bedelli doonto barnaamij kale.

Hiiraan Online News Desk