4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2020
Axmed Madoobe oo tababar usoo xiray ciidamo Jubbaland udiyaarinayso xoraynta dhulka Al-shabaab ka haysato
 

Talaado, September 1, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa tababar usoo xiray ciidamo katirsan Jubbaland oo udiyaar garoobaya sidii ay Al-shabaab uga xorayn lahaa Dhulka Jubbooyinka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ciidamadan u ballanqaaday inuu kala qeyb daandoono dagaalka Al-shabaab, si buu yiri adeegyada dowadnimada loo gaarsiiyo dhulka Al-shabaab go’doomiyeen.

Axmed Madoobe ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan amar kala qaadashada iyo inay iska ilaaliyaan wax walba oo wax u dhimi kara ciidanimadooda.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tababarkaan soo xiray xilli ku wajahan yahay magaalada Muqdisho, isagoo ciidamada u sheegay in marka uu kasoo laabto safarkaas uu ciidamada ugu tegidoono halka ay xoreeyaan.

Muddo ku 8 sano oo uu Axmed Madoobe ahaa madaxweyaha Jubbaland, weli kuma guulaysan in uu xoreeyo caasimadda Jubbaland ee Bu’aale.

Al-shabaab ayaa weli maamula qeybo badan oo katirsan Jubbaland, waxayna weli masaafo dhow u jiraan magaalada Kismaayo oo ah awooda maamulka Jubbaland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]