Trump oo diiday dood Online aheyd oo uu la gali lahaa Joe Biden

Cabirka Farta
 Trump oo diiday dood Online aheyd oo uu la gali lahaa Joe Biden

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Madaxweyne Donald Trump ayaa qaaddacay dood la doonayay in lagu qabto habka Online-ka ah oo ay wada-yeelan lahaayeen ninka kula tartamaya xilka ee dhinaca Jamhuuriga ah ee Joe Biden.

newsinsideKulanka oo qorsheysnaa inuu dhaco 15-ka, bishan,2020-da ayaa lagu waday inuu noqdo habka Online-ka,  maadaama madaxweyne Trump uu qaaday COVID-19, islamarkaana lagu daweeyay cisbitaal militiri.

Trump ayaa Fox news business u sheegay ineysan suura-gal aheyn inuu ka qeyb-qaato dood ku dhaceyso habka Online-ka.

"Malaha micna badan in aad la dooddo qof Computer kasoo hadlaya,  haddii ay rabaan way kaa xerayaan codka" ayuu Trump u sheegay Fox news.

Dhinaca kale,  madaxweyne Trump ayaa dooddii uu horay ula galay Biden,  waxaana aad loogu xusuustaa in uu dhowr jeer jawaabihii Joe uu dhowr jeer dhex-gal ku sameeyay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]