Maxkamad ku taalla Nairobi oo go'aan ka gaareysa dad lala xiriirinayo weerarkii Westgate

Cabirka Farta
 Maxkamad ku taalla Nairobi oo go'aan ka gaareysa dad lala xiriirinayo weerarkii Westgate

Isniin, October 5, 2020 (HOL) - Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa u fadhiisaneysa xukunka seddex rag ah oo eedeysanayaal ah oo loo haaysto iney taageero siiyeen raggii weeraray dhismaha laga dukaameysto ee Westgate sanadkii 2013-dii.

newsinsideUgu yaraan 67 ruux ayaa ku dhimatay weerarka ka dhacay dhismahaas, sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka lagu qaaday Westgate. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dadkii weerarka soo qaaday ay ku dhinteen dhismaha gudahiisa,  walow Al-shabaab taasi horay u beeniyeen.

In ka badan 140 marqaatiyaal ayaa eedeysanayaasha ku marag furay kiiskaan lala xiriirinayo,  hase-ahaatee, iyagu wey diideen iney wax dembi ah galeen amma ay xiriir toos ah iyo mid dadban la sameeyeen Al-shabaab iyo kooxaha weerarka qaaday.

Kenya ayaa weli ku jirta xaalad feejignaan ah,  iyagoo ka cabsi qaba iney dhacaan weerarro argagaxiso, halka ciidamada KDF-ta dalkaas ay ka howl-galayaan gudaha Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]