4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2020
Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay oo sheegay inuu jiro heshiis xaga hubka ah oo ka dhexeeya Al-shabaab iyo kuuriyada waqooyi
 

Sabti, October, 31, 2020 (HOL) - Guddi baaris oo hoos taga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay u isticmaashay wax u muuqda madaafiic laga leeyahay Kuuriyada Woqooyi, weerar ka dhan ah xarunta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, horaantii sanadkan.

Kooxda Al-shabaab ayaa lix weerar oo hoobiyeyaal ah ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, intii u dhaxeysay Febraayo iyo May ee sanadkan.

Mid ka mid ah weeraradaas ayaa la sheegay in afar hoobiye lagu tuuray xarunta UN-ka ee kutaala gudaha garoonka Aadan Cadde 17-kii Febraayo, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee guddiga Qaramada Midoobay.

"Laba madfac oo 60-mm ah oo aan qarxin ayaa laga helay weerarkii ka dib 17-kii Febraayo 2020. Mid wuxuu leeyahay astaamo u dhigma nooca 60-mm  oo ah hoobiye ay soo saarto Jamhuuriyadda Kuuriya," ayuu yiri guddigu.

Guddiga ayaa soo jeedisay in Waqooyiga Kuuriya laga yaabo inay ku lug leedahay heshiisyada hubka ee ururka al-Shabaab.

              

Warbixinta ayaa timid toddobaadyo kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay soo cusbooneysiisay diidmada ka dhanka ah  argagixisada.

Bishii Juun, wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay ku fashilantay inay wax ka qabato taageerada falalka argagixisada caalamiga ah.

Mareykanka ayaa markii ugu horeysay u aqoonsaday Kuuriyada Woqooyi inay tahay dowlad taageerta argagaxisada sanadkii 1988, kadib duqeyntii ay u geysatay diyaaraddii Kuuriyada Koofureed oo ay ku dhinteen dhamaan 115 qof oo saarnaa.

Washington waxay liiska argigixisada ka saartay Pyongyang sanadkii 2008 iyada oo lagu badalay horumarka laga gaadhay wadahadalada hubka nukliyeerka. Balse Sannadkii 2017, ayuu mar kale ku eedeeyay Kuuriyada Woqooyi in ay si isdaba joog ah u siiso taageero ficillada argagixisada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]