4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 29, 2020
Dowladda Soomaaliya oo si taxadar leh uga hadashay xadgudubkii ka dhanka ahaa Nebi Muxamed NNKH
 

Khamiis, October, 29, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in lagu xad gudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Qoraal dowladda Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu yiri, “Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u addeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan".

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrisay hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]