Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo gaaray magaalada Hargeysa

Axad, October, 25, 2020 (HOL)- Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee
Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa lagu waramayaa in uu gaaray magaalada
Hargeysa kaddib markii uu cafis ka helay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi
Cabdi.
Wareegto ka soo baxday xafiiska
madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu sheegay in madaxtooyadu
cafis u fidiyay Maxamed Cumar Carte si uu u yimaado magaalada Hargeysa oo uu ku
xanuunsanayo Aabihii Cumar Carte Khaalib.
Cumar Carte Khaalib oo ah
Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdihii soo
maray dalka.
Lama oga in Maxamed Cumar Carte uu iska casilay ama ka tanaasulay xilkii uu ka hayay dowladda
Soomaaliya isaga oo ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, balse Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Maxamed Cumar Carte uu ka noqday fikirkiisii hore.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Biixi ee lagu saamaxay Maxamed Cumar Carte

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com