4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 24, 2020
Puntland oo sharuudo ku xirtay sii daynta dad horey uga mid ahaan jiray Al-shabaab oo Garowe lagu xiray
 

Sabti, October, 24, 2020 (HOL) - Puntland ayaa sharuud  ku xirtay  sii daynta shakhisyaad horey uga tirsanaan jiray Al-shabaab, kuwaas oo qeyb ka ahaa  eedeesanayaal u xiran dilka gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gujir, oo la dilay taariikhdu markay ahayd 29 march 2020.

HOL, oo xiganaysa saraakiil amni, ayaa ogaatay in Puntland ay si gaar ah u diiday in ay xoriyadiisa u soo celiso macalin dugsi qur’aan ah oo maxkamada horteeda ka qirtay inuu ka tirsanaan jiray Al-shabaab, balse uu muddo hore isaga baxay kooxdaas.

Maxkamada ayaa ku qanci weyday sheegashadiisa, waxayna dalbatay in maamulka koonfur galbeed lagala yimaado caddayn muujinaysa inuu ka baxay Al-shabaab iyo in kale, si xoriyadiisa loogusoo celiyo.

Xubno ehelkiisa kamid ah oo la hadlay HOL, ayaa u sheegay in ay ku qanceen go’aanka maxkamada ayna la imaandoonaan caddaymo muujinaysa in eedeesanaha uusan hadda kamid ahayn ururka Al-shabaab.

Ehelkiisa waxay sheegeen in lagu waayay dambigii loo haystay oo ahaa inuu kaalin ku lahaa dilkii gudoomiyihii gobolka Nugaal, balse waxa hadda loo haysto ay tahay in uu la yimaado caddayntaas.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]