Dowladda oo sheegtay in ay weerar ku dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab

Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-- Sarkaakiisha ciidamada dowladda
Soomaaliya gaar ahaan xoogagga DANAB ayaa sheegay in howlgal ku dileen
dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo u
qaabilsanaa dhinaca maaliyada.
Howlgalkan oo ay ka
fuliyeen ciidamada deegaanno hoostaga Balcad iyo Afgooye ayeey sheegeen in lagu
dilay horjoogaha magaciisa lagu sheegay
Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) kaa oo lacagaha ka soo uruurin jiray dadka
shacabka deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha
Dhexe.
Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay
in muddadii uu howlgal socday ay burburiyeen fariisimo ay lahaayeen xoogagga
Ururka Al-shabaab, ma jiro wax war ah oo ka soo
baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira howlgalkan la sheegay in lagu
dilay xubno ka tirsan dagaalyahanadooda
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com