Galmudug oo soo gudbisay xubnaha uga mid noqanaya Guddiyada Doorashada heer Federaal

Jimco, October, 23, 2020
(HOL)- Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa
dhankeeda soo gubisay xubnaha Dowlad Gobolleedyada uga mid noqonaya Guddiyada
Doorashada heer Federaal.
Xubnaha ayaa ka mid noqonaya
labada Guddi ee kala ah kan doorashada iyo xalinta Khilaafaadka kuwaa oo ka
shaqeyn doona doorashada xildhibaannada
Baarlamaanka labada Aqal ee badalaya kan hadda jira.
Garaad Yuusuf Maxamuud iyo Mustaf
Macalin Cali ayaa Galmudug uga mid noqon doona guddiga xalinta khilaafaadka
halka dhinaca kale guddiga doorashada ku matali doonaan xubnaha kala ah Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf iyo Liibaan
Axmed Xassan.
Marka la soo dhameystiro
guddiyadan ayaa lagu waddaa in ugu danbeyntii Ra’iisal Wasaaaraha xukuumadda
Maxamed Xusseen Rooble uu wareegto ku soo saaro Guddiga doorashada iyo xalinta
khilaafaadka heer federaal.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com