4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 20, 2020
Faahfaahino laga helayo qarax caawa ka dhacay Muqdisho
 

Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo caawa ka dhacay nawaaxiga isgoyska KM-4 kasoo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso taaso la dhigay laamiga dhinaciisa waxaana lala beegsaday agaasimaha Hay'adda Socdaalka Jinsiyadda dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi xili uu marayay wadada gasha garoonka Aadan Cadde.

Agaasime Koofi ayaa qaraxaasi ka badbaaday waxuuna saarna gaari nooca aan xabada karin waxaase la sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen laba qofood oo shacab ah waxaana sidoo kale ku dhaawacay dadkale oo shacab ah iyo qaar ka mid ahaa ilaalada agaasime Koofi kuwaas oo dhaawacyadooda la geeyay xarumo caafimaad oo ku yaala Muqdisho.

Majirto wax war oo kasoo baxay laamaha amniga magaalada muqdisho oo ku aadan qasaaraha rasmiga ah ee qaraxa caawa ka dhacay nawaaxiga KM-4 waxaasa goobta qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya waxaana hadda xiran isku socodka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]