4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2020
War murtiyeed xasaasi ah oo laga soo saaray shirweyne wadatashi oo beesha Xawaadle ku yeelatay Muqdisho
 

Isniin, October 19, 2020 (HOL) - War-murtiyeedkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa laga soo saaray shirweyne wadatashi oo aay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho beesha Xawaadle oo ka mid ah beelaha dega deegaanadda Hirshabelle kuwaas oo aan la dhacsaneen hanaanka iyo hab dhismeedka loo wajahayo dowlad goboleedka cusub ee Hirshabelle.

Shirweynaha wadatashi ee beesha xawaadle ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xariira dhismaha Hirshabelle waxaana kasoo qeyb galay shirkaasi qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay beesha Xawaadle sida Siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanadda, dhalinyaradda, ganacsatada, haweenka, culumaa'udiinka, waxayna dhamaantood isku raaceen inaan lagu degdegin dhismaha Hirshabelle cusub.

Beesha Xawaadle ayaa sheegtay in dhismahii hore ee Hirshabelle aanan loo marin wadadii saxda aheyd oo lagu dhisay qaab deg deg ku jiro hadana mar labaadna aysan ogolaaneyn beesha Xawaadle.

War murtiyeedka kasoo baxay shirka wadatashi ee beesha Xawaadle ayaa ka koobna lix qodob oo muhiim ahaa una qornaa sida hoose.

1- In la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka beelaha dega Hirshabelle lagana fogaado wax walba oo qilaaf keeni kara.

2- Beesha Xawaadle waxay u baaqeysa dib u heshiisiin iney isugu yimadaan dhamaan beelaha dega Hirshabelle ka hor inta aanan la dhisin Hirshabelle labaad.

3- Waxay Beesha Xawaadle ka digeysa inaan la hareer marin heshiiskii hore ee saldhiga u ahaa dhismahii Hirshabelle.

4- Beesha Xawaadle waxay caddeyneysaa in aanay qeyb ka aheeyn, laguna matalin waxa ka socda Jowhar, aysan aqbali doonin waxii halkaas ka soo baxa"

5- Beesha Xawaadle waxay ka digeysa in dowladda Soomaaliya aysan horseed u noqonin burbur ku yimaada maamulka Hirshabelle.

6- Beesha Xawaadle waxay isku raacday in la dhiso hogaan gole siyaasadeed si loo ilaaliyo midnimada beesha waxaana la saaray guddi soo dhisa hogaankaasi.

Gabagabadii war murtiyeedka ayay beesha Xawaadle kuso afjareen la laga shaqeyo inaan mugdi la galinin jiritaanka kumaanka qof ee reer Hirshabelle oo aanan lagu deg degin dhismah Hirshabelle aanan loo dhameyn.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]