4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2020
Fanaanadii hobolada Waaberi Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ku geeriyootay Muqdisho
 

Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Allaha u naxariisto waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ahayd Fanaanad wayn oo aad looga yaqiin Gayiga Soomaaliya.

Fanaanada ayaa waayihii ugu dambeeyay ku xanuunsanaysay magaalada Muqdisho, iyadoo mar dalka dibadiisa xaalad caafimaad loogu qaaday kadibna ay kusoo laabatay iyadoo caafimaad dareemaysay.

Saynab Cali Baxsan oo fanka kusoo biirtay sanadkii 1964, ayaa kamid ahayd fanaaniinta dhinaca dumarka ah ee ugu horreeyey fanka Soomaaliyeed, waxayna isku waqti ahaayeen Xareedo Ismaaciil Duniya iyo Faatima Cabdilaahi Maandeeq.
 


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka tirsanayd Hobalada Qaranka ee Waabaari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay kaalinta Marxuumaddu ay ka qaadatay wacyigelinta bulshada iyo xoojinta dareenka wadaniyeed, iyadoo safka hore kaga jirtay hobaladii Qaranka ee hormuudka u ahaa xoojinta dhaqanka, afka iyo suugaanta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]