1/7/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2020
Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo kala saxiixday heshiis iskaashi cusub ah
 

Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida dalka iyo Qaramada Midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

Xaflad lagu saxiixayay heshiiska - Heshiiska Iskaashiga Horumarinta Waarta ee Qaramada Midoobay (UNCF) - ayaa lagu qabtay caasimadda, Muqdisho, waxaana dhanka dowladda ka qaybgalay Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Qorshaynta, Maalgelinta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan.

Heshiiska cusub ee UNCF ayaa baddali doona heshiiskii hore ee isaga oo kale ahaa, kaas oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.

"Tan iyo markii la saxiixay Heshiiskii Iskaashiga Istiraatiijiyadda ee Qaramada Midoobay bishii December 2017, Soomaaliya waxay horumar wax-ku-ool ah ka samaysay hayaanka ay ugu jirto xoojinta nabadda iyo gaarista horumar waara oo loo dhan yahay, iyadoo kaashanaysa taageerada adag ee Qaramada Midoobay," ayuu Mudane Swan ka yiri xafladdii saxiixa heshiiska.

Heshiiska UNCF wuxuu ka turjumayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go'an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030 ee Horumarka Waara iyo Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs). Hiigsiga waa baaq caalami ah oo la rabo in lagu ciribtiro saboolnimada, lagu dhawro adduunka, laguna horumariyo nolosha iyo horumarka qof kasta meesha uu doono ha ku noolaado e, waxaana Hiigsigan meelmariyay Dhammaan Xubnaha Qaramada Midoobay sanadkii 2015 isagoo qayb ka ah Hiigsiga 2030, oo dhabbaha u xaaraya qorshe 15-sano ah si loo gaaro himilooyinka SDGs.

Si gaar ah, Heshiiska cusubi ee UNCF wuxuu sharraxayaa hababka Qaramada Midoobay u damacsan tahay inay u taageerto mudnaanaha dowladdu leedahay ee ay ayada majaraha u hayso. Dhidibadda ugu muhiimsani ee waxqabad ee Heshiisku waxay la jaanqaadayaan kuwa ku xusan Qorshaha Qaran ee Sagaalaad ee Soomaaliya (NDP-9), haddii la xusana kala ah, siyaasad loo dhan yahay, dib-u-heshiisiin, amniga iyo ku dhaqanka sharciga, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

"Heshiiska cusub waa lib wada-shaqaynayd oo wax-ku-ool ah oo ay yeeshaan Qaramada Midoobay, Dowladda iyo Saamilayda kale," ayuu yiri Mudane Abdelmoula. Qaramada Midoobay iyo Bahwadaagta kale, iyagoo sii maraya Heshiiskan, waxay ku sii dadaali doonaan inay la tacaalaan sababaha qaabdhismeed ee horseedka u ah burburnaanta daba dheeraatay iyo xasillooni darrada ee xaddiday horumarka waara ee loo dhan yahay ee Soomaaliya muddo toboneeyo sano ah."

Isagoo ka hadlayay munaasabadda, Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ammaanay dadaallada Qaramada Midoobay wuxuuna sheegay inuu quuddarraynayo xoojinta iskaashiga dowladda ay la leedahay QM si wax looga qabto caqabadaha qallafsan ee ku hor gudban dhinacyada nabad-dhisidda, hourmarinta iyo banii'aadannimada.

"Waxaan soo dhowaynayaa sida cad ee Qaramada Midoobay uga go'an tahay taageeridda mudnaanaha horumarinta Qaranka ee Soomaaliya iyadoo loo marayo iswaaafjainta tooska ah ee Heshiiskan cusub iyo Qorshaha Qaran ee NDP-9, iyo sidoo kale nidaamka isku duwista gargaarka," ayuu yiri Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed.

Tiro mas'uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada dibloomaasiyiinta ayaa joogay munaasabadda halka kuwa kale ay qaab onlayn ah uga qaybgaleen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]