
Isniin, November, 09, 2020 (HOL)– Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dowlad gobolleedka Hirshabeelle.
newsinsideGuddiga Doorashada ayaa u diiwaan-galiyay musharixiinta xilka madaxweynaha Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan , halka madaxweyne ku-xigeenna ay isku soo taageen Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere]
Doorashada ayaa mar waxaa harreeyay shaki ku saabsan in ay dib uga dhici karto waqtiggii ay u asteeyeen guddiga qaban-qaabada kaddib markii xilkii madaxweynaha uu isku soo taagay oo kaliya Cali Guudlaawe.
Balse musharax Cabdiraxmaan Jimcaale ayaa galabta uun laga war helay is diiwaan-galintiisa isaga oo aan horay u sii shaacin ka qeybgalkiisa doorashada.
Kooxda ololaha doorasho Cali Guudlaawe ayaa saacadihii ugu danbeeyay dadaal dheer u galay in la helo musharax madaxweyne si dib u dhac looga ilaaliyo jadwalka.
11 bishan November, oo ku beggan maalinta Arbacada ee toddobaadkan aynu ku jirno ayaa lagu waddaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo dad badani aaminsan yihiin in ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka.