Hooyo iyo Labo carruur ah oo ay dhashay oo lagu dilay degmada Warshiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe
Isniin, November, 09, 2020 (HOL) –Wararka
ka imanaya degmada Warshiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka
lagu magacaabo Fillo –dheer ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ku dileen
hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhashay.
Hooyada geeriyootay ayaa la
sheegay in ay Umul kula jirtay Ilmo yar oo ay dhashay waxaa sidoo kale lala
dilay Ilmo kale oo saddex sano jir ah.
Weerarkan ayaa sidoo kale lagu
dhaawacay sida ay dadka deegaanku sheegeen haweeney isla qoyska ka mid aheyd in
wiil shan sano jir ah.
Falkan ayaa argagax ku abuuray
dadka deegaanka oo sheegay in dhacdadan ay salku heysno Aano Qabiil, iyadoo
bartamihii bishii September deegaanka
Raagga Ceel isla gobolka Shabeellaha Dhexe rag hubeysan ku dileen Lix Qof oo
dhamaantood culimo ah kuwaa oo ku sugnaa goob Qur’aan Akhris.
Wali ma jiro wax war ah oo ay
maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ka soo saareen dadka rayidka ah ee lagu
dilay degmada Warshiiq.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com