Xaliimo Yareey ‘’ Gafkii iga dhacay waan ka soo noqday Alle ayaana uga Towbad keenay
Isniin, November, 09, 2020
(HOL)– Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo
Ismaaciil [Xaliimo Yareey] ayaa si kooban uga hadashay eedeyn uga timid
culimada kaddib markii been abuur ku tilmaamtay Aayada Qur’aanka ee Alle uu ku
sheegay in Xaawo laga abuuray Feerta Aadam.
Xaliimo Yareey ayaa tiri "Waxaan Caddeynaa inaan
ahay Muslim khaalis ah Ilaahay weynoo waaxid ah rumeysan Rasuulkiisana
Aaminsan,Hadalkii maalin dhaweyd aan jeediyey wixii gaf ah ee ku jiray Ilaahay
aan uga Towbad keenay"
Waxaa ay intaa ku dartay"Intii hadalkaas iigu gaftay
Cafis bay iga yihiin intii ii nasteexeysayna Ajar iyo Xasanaad Allaha ka
siiyo"
Sheekh Cali Wajiis oo ka tirsan hay’adda culimada
Soomaaliyeed ayaa ugu nasteexeeyay Guddoomiye Xaliimo Yareey in ay ka noqoto
gafkaa oo ay Alle u towbad keento.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com