4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 9 , 2020
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Kenya iyo Al-shabaab
 

Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland  iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dhaqdhaqaaqa Al-shabaab weerar ku qaadeen fariiso ay ciidamada kenya ku leeyihiin  deegaanada Qooqaani iyo Taabta oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal culus oo qasaaro kala duwan geystay.

Al-shabaab ayaa sheegatay iney guulo ka gaareen weerarkaas oo ay qasaaro kala duwan gaarsiyeen ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale Sarakiil ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa dhankoodana sheegtay iney guulo ka gaareen dagaalkaasi oo ay iska difaaceen weerarka Al-shabaab kusoo qaadeen.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Sarakiisha ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka ciidamada AMISOM.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]