4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 9 , 2020
Dr. Abdinur Mohamed oo ah Musharax madaxweyne ayaa lagu soo dhaweeyay Columbus


Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Columbus Ohio ayaa xaflad soo dhaweyn iyo dhiirogalin ah u sameeyay Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Dr. Abdinur Sheikh Mohamed.

Dr. Abdinuur oo ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ohio mudo aad u dheerna ku noolaa gobolka ayaa xiliyadii u danbeeyay ku sugnaa Dalka Soomaaliya si uu qeyb uga noqdo isbadalka dalka iyo kuur galida xaalada dalka ee xiligan.

Inta badan dadkii ka hadlay xaflada oo aqoon u lahaa Musharaxa ayaa ku tilmaamay in Dr Abdinur uu yahay shaqsi ku haboon hoggaanka dalka iyo in uu leeyahay aqoon ku filan oo uu dalka ku hogaamin karo.

Dr. Abdinuur oo horey u soo noqday wasiirka waxbarashada ee dowladii Sheikh Sharif Raysulwasaarahana uu ka ahaa Madaxweynaha xiligan Mohamed Abdilaahi Farmaajo, ayaa si weyn ula socda xaaladaha ku xeeran dalka Soomaaliya iyo mushkiladaha horey loogu socon la'ayahay.

Xili uu ka hadlayay xafladan ayuu Dr. Abdinur sheegay in Xisbigiisa uusan cid gooniya ka haysan caawin ama dowlad gooniya uusan garab ka dhiganeyn ee uu kaliya isku haleeynayo shacabka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Waxa uu musharaxnimadiisa ku tilmaamay mid ku salaysan isbadal iyo Horusocod ku dhisan wada tashi.

Dadka ka hadlay oo aad u badnaa wey isugu jireen, Culumo, Ganacsato, Siyaasiyiin, Kooxaha Fanka iyo qeybaha bulshada oo baddan.

Waxaa lagula dardaarmay in hadii uu ku guulaysto xilka madaxnimada uu u asxaan falo dadka Soomaaliyeed kuna shaqeeyo cadaalad iyo midnimo.

Musharaxnimadiisa waxa uu si rasmi ah uga dhawaaqi doonaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho marka uu dhawaan ku laabto dalka Soomaaliya.



Deeqosonna Warsame, Hiiraan Online
[email protected]