4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 8 , 2020
Dowladda Kenya oo Muqdisho usoo dirtay wafdi dowladda Soomaaliya kalasoo hadla in xayiraada laga qaado Qaadka
 

Axad, November, 08, 2020 (HOL) - Xoghayaha Guud ee Arimaha Dibada Kenya, Danjire Macharia Kamau ayaa gaaray magaalada Muqdisho shalay oo Sabti aheyd, isagoo hogaaminaya wafdi wada hadalo la yeelanaya dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in booqashadan oo qaadandoonta saddexda maalmood ah looga gol leeyahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya  labada dal, iyadoo diirada la saarayo ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga gobolka.

"Kenyanka iyo Soomaalida waa inay diirada saaraan kordhinta ganacsiga, halkii ay ku ekaan lahaayeen arimaha siyaasada," ayuu yiri Amb Kamau.

Waa wafdigii ugu cuslaa ee Kenya soo dirto tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay joojisay ganacsiga Qaadka ka imaan jiray Kenya.

ganacsatada Qaadka ayaa dowladda Kenya cadaadis ku saaray inay soo afjarto khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya si xayiraada looga qaado Qaadka, haddii kale waxay ku hanjabeen inay dhigayaan mudaharaadyo ka dhan ah dowladda.

Ujeedada ugu weyn ee uu wafdigaan u yimid waxay salka ku haysaa in dowladda Soomaaliya ogolaato in dib loo fasaxo ganacsiga Qaadka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]