4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
Maamulkii Gobolka Tigray-ga oo gabi ahaanba la kala diray

 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL)- Kaddib fadhi uu maanta oo Sabti ah uu yeeshay Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa gabi ahaanba lagu kala diray maamulkii gobolka Tigray, iyaga iyadoo leysku raacay in maamul cusub loo sameeyo.

Warkan oo ay baahisay warbaahinta Fana ee dalkaasi Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in maamul cusub loo sameyn doono gobolkan oo ay ku dagaalamayaan ciidamada difaaca Qaranka iyo jabhada taageersan xisbiga TPLF.

Diyaaradaha dagaalka ee Ethiopia ayaa duqeeyay gobolka Tigray Jimcihii, iyadoo Ra’isulwasaare Abiy uu ballanqaaday in uu qaadi doono duqeymo dheeri ah taasi oo colaadda sii kordhineysa.

Go’aanka uu qaatay Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa noqon kara mid uga sii darra xiisadii markii horeba ka aloosneyd gobolka sida ay qabaan khubarada falanqeeya siyaasada dalkaasi Itoobiya, iyadoo Abiy uu sheegay in qeyb ahaan la soo gabagabeeyay howlgalkii socday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]